Joomla! powered Site

Burcad Badeedka oo Daayay Doon Spanish ah Kadib Markii la Siiyay lacag dhan $3.5 Million

Doontii dhowaan koox burcad badeed ah qabsadeen iyagoo weydiistay in loo sii daayo labo dhalinyar lagu hayo dambi burcad badeednimo lagu hayo Spain, ayay maanta soo daayeen kadib markii la siiyay lacag dhan $3.5 Million oo madax furasho ah.


La Kulan BOB oo reer HOLAND ah oo Afkaaga Kuugu Sheekeynaya

MA TAQAANAA AFSOOMAALIGA?
Ninkaan u dhashay dalka Holland lana yiraah BOB ayaa si heer sare ah ugu hadli kara luuqadda Afka Soomaaliga isagoo ku hadlayay muddo dhan 12-sano. Ninkaan ayaa hadda dadka Soomaalida ah ka caawiya dhanka tarjumaadda.


Alshabaab oo Calankeena Ku Sheegay Mid ay Gaalo Soo Dhiibtay hadii Laga Waayay Astaamaha Dhaqankeena

Sarkaal ka tirsan Ururka Alshabaab lana yiraah Sh. Suldaan Maxamad Almaxamed oo ah madaxa tacliinta iyo dacwada ee gobolka Shabeelada Hoose ayaa Universal TV u sheegay in ururka uu ka tirsan aysan marnaba wadahadal la galayn dowladda KMG ah ee Soomaaliya.


Faroole oo Careysan oo Ka hadlaya Shirkii Isaga iyo Shariif DHexmaray

Madaxweynaha Puntland oo ka carooday natiijadii ka soo baxday shirkii dhawaan isaga iyo Sh. shariif dhexmaray kaasoo sh. Shariif ka diiday dhowr codsi ee uu faroole soo horkeenay. Daawo Faroole oo arinkaa ka hadlaya.


Dahabshiil Money Transfer Company Lifeline of our People- ALjazeera's Adow Reports

Shirkadda caanka ku ah xawaallada lacagta taasoo ay isticmaalaan sanad kasta malaayiin Soomaali ah, ayaa Aljazeera warbixin gaar ah ka soo saartay. Warbixintan ayaa ah mid Maxamed Cadoow uu kusoo kormeeray xafiisyada waaweyn ee Dahabshiil ku leedahay Hargeysa isagoo ka hadlaya howlaha dahabshiil u qabato shacabka.


Dad La Laayay hadana Lagu Kor Dhaanteeynayo

Waa maxay dadkaan u eg Soomaalida (kuwa dega gelinka shanaad) hadana ku tumanaya dhaantana ku kor ciyaaraya dadkii (ahna meyd) ay laayeen. Waa masawirro Cajiib ah oo aan weligeed horey loo arag. Ilaah baa na lehe waxaa ka sii daran yar ay qabteen kuwaas oo ay weydiinayaan magacyada dadka dhulka daadsan ee mayd ah kuwaas oo uu mid mid u sheegayo magacyadooda.


Dalaal Bixinaya AK-47 Bilaash ah Hadii Gaari Cusub Laga Iibsado

Get a Free AK-47 with a Purchase of a New Truck - USA Dealer Near You!
Daawo CNN oo wareysatay Car Deelar maraykanka ku iibiya baabuurta oo bixinaya AK-47 bilaash ah siinaya qofkii gaari ka iibsada.


Soomaali is raacday Alahayoow.by Barmuudo Boys

Soomaali is raacday alahayoow Kuligeen is raacnee Alahayoow Calankeenii hooyo alahayoow badbaado gooni Alahayoow ilkacase kooxdiisa ayaa qaadday heestaan. waa kooxda la yiraahdo barmuudo boys. waa dhalinyaro soomaaliyaa oo isku aruursatay soomaalinimo iyo jaceel ay u qabaan soomaaliya. ilaahay ha ku garab galo dadaalkooda dhalinyaradaan fiican ee barmuudo boys.
Hees by Burco Boys!


Mudane Janaqow iyo shacabkeena wadanka Sweden

Mudane Janaqow iyo soomaalida wadanka Sweden Katrineholm flen Baliile yasin maxi dhaqaale nuur cali.


Banaanbax dhowaan ka dhacay magaalada Toronto

Daawo Walk for Somalia, banaanbax dhalinyaro soomaali ah ay isugu soo baxeen magaalada Toronto, ee Dalka Canada, iyagoo xiray jidad aad u weyn ee ku yaala dhex bartamaha magaalada ee downtownka. Daawo video-gan laga soo duubay banaanbaxaas oo ay ku jireen dhalinyaro, waalidiin iyo caruurtoodaba.


Google Links1

Latest image

Sh. Shariif at Chattam House