Home

Mashruuca QEF, UK Oo Shir ku qabanaya London 27-ka September

 


Ramadaan Mubaarak : Kulli Caam Wa Antum Bikheyr!

Maamulka iy hawlwaneeda mashruuca QEF waxey dhamaan umadda Muslimka meelkasta oo ay joogtaba ugu bishaareynaa bilashada bisha Barkeysan waxaana leenahay illaahay ha inaga aqbalo hana ina waafajiyo kheyrka bisha barakeysan. Meelkasta oo aad joogtaanba Ramadaan Kariim


Wareysi lala yeeshey mid kamid ah Ardeyda ka faaiidey mashruuca QEF oo kusugan dalka Maraykanka

Laga soo bilaabo 2004 waxaan qoraalo badan laga soo gudbiyey mashaaariic badan oo samafaleed oo ay jaaliyaadku ku hawlanyihiin gaar ahaan mashruuca QEF oo ah midkii ugu horeeyey ee ka taabba galay maantana gaadhey meel aad u sareysa. Waxaa markii ugu horeysey noo suuro gashey inaan wareysi dheer la yeelanay mid kamid ahaa ardeydii dhiganaysay dugsiga Nuur Ugaas ee magaalada Qabridahare waxaan


Abwaan Maxamed Hiirad oo gabay duco ah u mariyey Hawlwadeenada Mashruuca QEF

Abwaan Maxamed Hiirad oo ah Abwaan Soomaaliyeed eebbana ku galladaysey murti iyo garasho ayaa waxuu gabay duco iyo amaan isugu jira u tiriyey hawlwadeenada Mashruuca QEF isagoo ku halqabsadey Saaxiibkii Axmed Dawlo. Abwaanka ayaa tixdan ka mariyey shirweyne mashruuca QEF uu ku qabtey magaalada Sandiego oo ay kasoo qaybgaleen masuuliyiinta ugu sareysa mashruuca.


Magaalada Qabridahare oo sugeysa iney hesho adeegga Mobile-ka

Wararka naga soo gaadhaya magaalada Qabridahare ayaa sheegaya in wakaaladda isgaadhsiinta ee dalka Ethiopia ay sheegayaan in magaalada Qabridahare sida ugu dhakhsaha badan ay u heli doonto adeegga Telefoonka gacanta ee loo yaqaano Mobile-ka taasoo haddii ay hirgasho wax badab ka baddali doonta xidhiidhka shacabka Qabridahare iyo ehelkooda ku baahsan dunida daafaheeda.


CIID WANAAGSAN: AAN KUWADA CIIDNO CAAFIMAAD SAN!!

Dhamaan bahweynta Mashruuca Waxbarashada Qoraxey waxey halkan tahniyad iyo bogaadin uga dirayaan dunida muslimka ah gaar ahaan bulshada Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan waxaana leenahay Ciid Mubaarak illaahayna ciiddan teeda kale nabad iyo caafimaad ha inagu wada gaadhsiiyo.


Ree Qoraxey oo dal iyo dibadba go aansadey iney Jahliga Ciddhib Tiraan!

Laga soo bilaabo Bishii June 2004 markii la udub dhigey mashruucan QEF waxuu si aad u fudud oo xawli ah ku gaadhey dhamaan bulshada ree Qoraxey ee Qurbaha kuwaasoo yaqiinsadey iney ka daaheen iney ubadkooda ka caawiyaan waxbarashada ay haystaan isla markaana tayeeyaan si ubadka gobolka loogu diyaariyo hogaamiyaashii barito.


QALIN IYO AQOON: Gabay loo tiriyey Mashruuca QEF!

Sanadkii 2004 ayay ahayd markii shakhsiyaad u dhashey deegaanka Qoraxey ay safar ku tageen magaalada Qabridahare kuwaasoo markii ugu horeey cajalado muuqaal ah kasoo qaadey dugsiyada magaalada Qabridahare oo ay ka muuqdeen dhibaato iyo dayacnaan badan. Xogtii iyo dadaalkii xiligaa bilaabmey waxuu dhalay Mashruuca Waxbarashada Qoraxey oo maanta ka hawlgala 5 qaaradood.


Guushii ugu Weyned ee Mashruuca QEF iyo ree Qoraxey usoo hoyatay

 Tiro gaadheysa 94 ardey oo kamid aheyd 128 ardey oo u fadhiisatey imtixaanka fasalka 12aad(Preparatory College) ay ku guuleysatey iney helaan jaamicadaha kala duwan ee dalka Ethiopia iyadoo 37 kamid ahi ay xaq u yeesheen iney ku biiraan  kuliyadaha culuumta Sayniska khaasatan Kulliyadaha Injineernimada iyo Kulliyadaha caafimaadka.

 


Google Links1

Latest image

Sh. Shariif at Chattam House